MUQDISHO(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa casho sharaf magaalada Muqdisho ugu sameeyay cayaartooyda Xulka kubadda Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Munaasabadan Casho Sharafta ah e uu Madaxweynaha Jabbaland, u sameeyay Xulka Kubadda Cagta ee matalaya Jubbaland, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka maamul Goboleedyada dalka islamarkana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu cayaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd, islamarkana ay koobka keenaan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Madaxweynahaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyda Jubbaland, islamarkana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhallinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM