MUQDISHO(SHL-NEWS)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay ku midoobeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, isagoo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay Munaasabaddii shalay ay Ahlusuna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen heshiiska ayaa ka sheekeeyay heerka uu soo maray dib u heshiisiinta, isagoo xusay inay ka soo bilaabatay maalintii isaga loo caleema saarayay Madaxweynaha.

Madaxweynaha, Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay mudan tahay in mar walba loo mahad celiyo, isla markaana ay ahaayeen cidii la dagaashay Al-Shabaab oo dareensiisay inay dhiman karaan oo ay dhaawacmi karaan, iyagoo kula dagaalamay Caqiido sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sheegay ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS Farmaajo, waxaa uu u rajeeyay shacabka Galmudug mustaqbal wanaagsan, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixin doonto sidii loo taageeri lahaa maamulkaas.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM