MUQDISHO(SHL-NEWS)-Duqeyn culus ayaa saacado ka hor ka dhacday Deegaan Dhinac koonfureed ka xiga magaalada Muqdisho, Waxaana duqeyntan lala beegsaday Saldhig ay lee dahay Kooxda Al-Shabaab.

Diyaarado aan la garaneyn heebtooda ayaa la sheegay in duqeyntani ay geysteen, mana jirto ilaa haatan cid xaqiijin karta Khasaaraha ka dhashay duqeyntan oo aheyd mid xooggan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale, Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Mareykanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhisay Duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysanayaan Goobaha iyo Deegaanada koonfurta Soomaaliya uga sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab, waxaana Bisha la soo dhaafay ay Fulisay duqeymo gaaraya 6.

SAHALNEWS.COM