MUQDISHO(SHL-NEWS)-Hoolka Shirarka Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, waxaa Haatan ka socota Munaasabad Balaaran oo lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlusuna Sheekh Shaakir ayaa la filayaa in goor dhow ay heshiiska qalinka ku duugaan, oo soo afjaraan kala Qeyb-sanaanta ka jirta Deegaanada ku yaalla Gobalada dhexe.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen, intii Wada hadalada ay Garwadeenka ka aheyd IGAD, uga socdeen Dalka Jabuuti ayaa laga Akhrinayaa Xaflada.

WIXII KA SOO KORDHA KALA SOCO SAHALNEWS.COM

 

 

SAWIRRO.

Villa Soomaaliya Villa Soomaaliya1 Villa Soomaaliya3 Villa Soomaaliya4

SAHALNEWS.COM