BOOSAASO(SHL-NEWS)-Isimada Puntland,oo manta kulan ku qabtay Magaalada Bosaso ayaa Ganacsatada iyo dawlada dhex dhigay heshiis, ka dib markii Ganacsatadu ay Muran ka keeneen shirkada lagu wareejiyey Dekada Bosaso.

Shirka  lagu soo bandhigayay  go’aanka Isimada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Go’aanka ay soo saareen isimada Puntland waxaa shirka ka akhriyay Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana uu u qornaa sidatan:

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

  1. In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.
  2. In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.
  3. In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.
  4. In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay Isimadu u sameeyen ay daba galaan.

Dhinaca kale Masuuliyinta Dawlada  ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda.

Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay Ganacsatada iyo dawlada  waxana ha kada ku jiray in mudo ah  shaqada Dekada Bosaso.

SAWIRRO.

IsimadaD1 D2D4 D5 D6 D7 D8 D9 D10 D11 D12 D13 D14 D15D3

SAHALNEWS.COM