bosaos ganacsiga

BOSAASO,(SAHALNEWS)-Kooxo hubaysan, ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay Ganacsade Jamaal Yuusuf Dhuux, waxaana ay dhaawac u geysteen Maxamed Mire Faahiye.

Dilka ka dib ayaa Kooxaha dilka iyo dhaawaca geystay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana dhaawaca Maxamed Mire lagu dabiibayaa mid ka mid ah Cisbitaalada magaalada Boosaaso.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loso qabtay falkan, mana jirto wax War ah oo kaso baxay Laamaha amniga oo ku aadan dadkan rayidka ah ee Boosaaso dhaawaca iyo dilka loogu geystay.

Dilkan ayaa dhacaya xilli magaalada Boosaaso ay ka nasatay dilalkii qorshaysnaa, isla markaana magaaladu ahayd mid amaan ah.

laamaha amaanka ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan dilkan.

SAHALNEWS