HARGEYSO(SHL-NEWS)-Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay Magaalooyinka Hargeyso, Burco, Ceergaabo iyo Meelo kale, kadib markii Afhayeen u hadlay xisbiga  Wadani uu maanta sheegay in doorashada ay ka dhacdey Musuqmaasuq aad u baahsan iyo kushabasho gaar ahaan gobolada Gebiley iyo Hargeysa oo maanta la soo gebagebeynaayo natiijadooda.

Guddoomiyaha xisbiga wadani ee Somaliland C/raxmaan ciro oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyaan, ka dib markii xisbigu ay sheegeen in la musuqmaasuqay  doorashadii, islamarkaana ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Guddiga doorashada.

“ waxaan laba jeer u tegay guddiga doorashada, qoraalna waanu u gudbinay sixitaan, in lanala hubiyo, lanoo tiriyo Sanaadiikh, gaar ahaan gobolka Maroodi Jeex (hargaysa) 40%, annaga oo dareenay in mugdi badani ku jiro Degmooyinka Hargaysa iyo Gabiley, welina jawaab kama hayno

Wuxuu sheegay inuu amray dhammaan howlwadeenada xisbiga wadani inay joojiyaan wadashaqayntii ay la lahaayeen guddiga doorashada inta laga jawaabayo cabashadooda, lana saxayoayaa, waxaana uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka warsugaan iyaga

“ annagoo ka warwarsanayn natiijada, Fariintayadu ma ah mid naxdinayd ama fariin xaalad abuuraysa, laakiin waa si loo saxo arrintaas, waxaan ugu baaqayaa shacabku inay isdejiyaan, annaga ka warsugayna in Komishanku si deg deg ah uga jawaabaan arrintaas” ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga wadani

 

DAAWO.

SAHALNEWS.COM