GAROOWE(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Madaxtooyada Garoowe ku soo dhoweeyey danjiraha dalka Chine u fadhiga Soomaaliya Mr. Qin Jian.

Ka hor kulanka ayaa safiirka ayaa waxaa aroonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Gaas iyo safiirka dalka chine ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland gaar aahan mashariicda waaweyn ee hadda dalka ka socda, adkaynta xidhiidhka  Puntland iyo dalka Chine iyo iskaashiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo  caafimaadka.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey in xidhiidhka ka dhexeya dalka Chine iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda ka socdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xidhiihka ee ka dhexeeya labada dhinac.

Danjire Mr. Qin Jian ayaa isna sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka  wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay  Safiirku inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Garoowe.

SAWIRRO.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

SAHALNEWS.COM