MUQDISHO,(SAHALNEWS)-Ra’iisul wasaare, Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle ayaa si wada jir ah uga qeyb galay shir gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay la qaadatay Ganacsatada Magaalada Muqdisho.Shirkaan oo uu furay R/wasaare Kheyre ayaa waxaa si gaar ah u wada fariistay Madaxda wasaaradda iyo Ganacsatada Magaalada, iyadoona la falanqeeyay qaabka ugu fudud ee Canshuuraha ay u bixin karaan Ganacsatada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino waajibaadka Dowladda, balse waxaan doonaynaa inaan helno Xuquuqdeena” waxaa sidaasi yiiri qaar kamid ah Ganacsatadii shirka ka hadashay.

Wasiirka Maaliyadda Dr Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatada looga baahanyahay in ay dowladda garabsiiyaan isla markaana ay bixiyaan Canshuurta looga baahanyahay.

Somalia ayaan wali helin dowlad dhexe oo awood leh ,taasi oo dalka ka soo aruurisa canshuuraha ,waxaana qaybo kamid ah koonfurta Somalia gacanta ku haya ururka Al-shabaab.

SAHALNEWS