HARGAYSA,(SAHALNEWS)-Guddiga doorashada Soomaaliland ee NEC ayaa shir saxaafadeed goor dhow ku qabtay magaalada Hargeysa , waxaa ay kaga warbixiyeen halka ay wax u marayaan.

Guddiga wuxuu sheegay inay billaabatay tirinta cododka la dhiibtey, kaliya magaalada Hargeysa ayaa dhiman oo galinka dambe la tirin doonno, waxaa la waydiiyay guddiga natiijada horu-dhaca ah ee baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ay baahisey tan iyo saakay, guddiga wuxuu sheegay natiijada xaqiiqada ah inay iyagu shaacin doonan, balse xisbiyada ay wakiilo u joogan xarumaha cododka lugu tirinayo kuwaaso dhankooda xisaabinnaya cododka ay heleen, balse wakiiladda ma oggaan karaan wadarta guud.

Waxaa kalo u guddiga xaqiijiyay inay yartahay cabashada uga imaaneysa xisbiyada illaa hadda, balse musharraxa Cabdiraxmaan Cirro ayaa guddiga doorashada kulan albaabada u xirnaayeen la qaatay goor dhow, waxaa loo diidey wariyeyaasha inay musharraxa su’aallo waydiiyaan, ma cadda illaa hadda musharra Cirro inuu cabasho u gudbiyay guddiga, laakin afhayeenka guddiga doorashada wuxuu sheegay natiijada in lugu shaacin doonna shan illaa lix maalin , markasta oo cabasho siyaado wuxuu sheegay dib u dhac inuu imaanayo, maaddama wax la hubinayo.

SAHALNEWS