UMAL IN MUDISHO

NAIROBI,(SAHALNEWS)-Muqdisho, waxaa maanta gaaray wafdi culimo iyo xubno kale isugu jira oo u ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga gurmadka qaranka.

Wafdigan oo Nairobi ka yimid waxa ay waareejin doonaan lacag ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dhibanayaashii weerarkii Zoobe oo ay muddo soddon cisho ah ka soo wareegtay maanta.

“Waxaan halkan u nimid in aan wareejino lacagta aan soo aruurinay kuna wareejino dadka dhibaataysan ” ayuu yiri Shiekh Umal oo hogaaminaya wafdigan culumada ah.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay dadkii dhawaan ku waxyeeloobay Qaraxa ee loo qaaday dalka Turkiga. Wasiirka warfaafinta Somalia ayaa sheegay in dadkan ay xaaladooda caafimaad soo hagaagtay , isla markaana dib loogu soo celiyay Somalia.

SAHALNEWS