KISMAAYO(SHL-NEWS)-Wasiirka amniga Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeynka Gobalka Banaadir ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir looga hadlaayo xaalad amaan ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada amaanka ee maamul Gobaleedyada Dalka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobalka Banaadir iyo Wasiirka amniga Soomaaliya waxaana la filayaa in qodobo laga soo saaro markii uu shirkaan soo dhamaado.

Waxyaabaha xoogga lagu saari doono Shirka ayaa waxaa ka mid ah in marka hore la adkeeyo amaanka goobaha ay Gacanta ku heyso Dowladda iyo Maamul gobaleedyada kadibna xal loo helo sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

SAHALNEWS.COM