BOSAASO,(SAHALNEWS)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay  magaalada Kismaayo ayaa maanta 12 October 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakisha ciidamada qalabka sida, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, nabadoono, waxgarad, aqoon yahano iyo qaybaha kal duwan ee bulshada.