DP WORLD
BOSAASO,(SAHALNEWS)-Munaasabadii ka socotay gudaha Dekeda Boosaaso ee shirkadda DP WORLD ay kula wareegtay Dekeda magaalada Boosaaso, ayaa iminka soo dhamaatay.

Madaxda Puntland iyo Madaxda shirkadda DP WORLD, ayaa kala saxiixday heshiiska ay shirkaddu kula wareegtay Dekeda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Siciid Maxamed Raage, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay noqon doonto mid caalami ah oo ay kuso xirtaan Maraakiib waawayn.

Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Bari oo ka qayb galay Munaasabada ayaa soo dhoweeyay heshiiska, waxaana maanta laga bilaabo muddo 30-sano ah Dekeda Boosaaso maamulaya shirkadda DP WORLD.

Waxay Dekeda Boosaaso qayb ka noqonaysaa Dekedaha ay maamusho DP WORLD, waxaana ay horay ula wareegtay Dekeda magaalada Berbera.

SAHALNEWS