kism

Kulankii madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, waxa aragatidayda shakhsiga ah markaan akhriyey iiga soo baxday waxaan filayay wax aad iyo aad uga fog, aragtidaydu waxay ahayd meel waayeel siyaasadeed isugu tageen oo wax bay saxayaan, wax bay isu celicelinayaan, daawo iyo dabiib iyo musaalaxo ayay beegayaan, waxay eegayaan arrimo qaanuun, xeer dalwadeed ama xaajooyin siyaasad ayay rogrogi doonaan, dawladnimo ayay ka eegi doonaan .

Shirkani waxa uu ka dhashay laba dhacdo oo is dabayaal oo ku saabsan safarkii madaxweynaha Galmudug mudane Xaaf socdaalkiisii uu ugu soo wajahnaa dalka, haddalkisii ka danbeyey, iyo ismaandhaafkii siyaasadeed ee Galmudug, taas oo aad suuqa la isula maray inay dawladda fedaraalka ahi dhinacyadii isku hayay barxadda siyaasada Galmudug qaar la safatay, dhacdadaas oo keentay in safari siyaasiyiin, xildhibaano, ganacsato, dad kaloo saamayn lehi ay socod ku galaa bixiyaan Degaanka ,

Marka ugu horaysa Isu tagga hogaamiyayaashani ma siinayo sifo sharci ah oo ay document Qaran ku soo saaraan, umana wakiilna Ummadda Soomaaliyeed heer aan ahayn kan ay leeyihiin, sidaa daraadeed waraaqdaani ma laha walwal.

Tan labaad qiimeynteyda golahaani waxa uu ka dhashay riximka/uurka siyaasadda isagoo meyd ah, marka laga eego sida Soomaalidu u aragtay, iyo wax yaalaha laga gansaday ama laga shakiyey ee ka buuxa 15 qodob ee ka soo baxay, oo ay ugu horayso u yeerashada ciidammo shisheeye, xalaalaysiga safaradooda qaraabka, ka hor tagidda xeerarka baarlamaanku soo saarayo, inkiraada iyo jidgooyada shaqada aqalka sare, xiriir u goynta dawaladda federaalka ah ee Soomaliya iyadoo sabab lagu qanci karaa jirin, sii murjinta xaalladda Galkmudug, shirku isagoon ka doodin xaaladaha gudaha degaannada ay ka taliyaan sida hanaan socodka siyaasada dawlad goboleedyadooda, tan dhaqaale ,midda ammaan, iyo wax yaalaha ay Hogaamiyayaasha Dawald goboleedyadu u geysanayaan hanaanka guud ee dalka iyo gacan dhaafka ay ku hayaan iwm.

Lakiin akhrinta waraaqda markaad dhamayso waxa kugu soo dhacaya waxyaalo badan oo ay tahay inay u furan tahay dawladda Federalka iyo dawlad goboleedyadaba inay ka wada hadlaan, inay jiraan masaaxo tabasho oo balaaran , dhinacyo farabadan oo ay tahay dawlada federalku inay wax ka hagaajiso oo ku saabsan xiriirka iyada iyo Dawlad goboleedyada, doodad , wada hadallada , wax is weydaarsiga, kala cabashadu waa joogto haddi shaqo socoto, laakiin waxaan soomaali garawsan isbahaysigan hogaamiyeyaashu sameyeen oo loogu walqalay xiriirkii Soomaalida tukubaysa jaritaankiisa.

Haddaba waqada shirkaan ka soo baxday waxay u muuqataa ka fara-marooqsi iyo dafid ay isku dayayaan inay dafaan sharciyada iyo awoodda dawlada federaalka iyo golayaasheeda kala duwan, isla markaa waxay leexsanayaan hanaanka xeerarka dalka iyagoo ka biya diidsan xeerarka baarlamaaku ogolaanayo noocay doonaan ha ahaadeene iyagoo u muuqda kuwa doonaya inay faragashadaan una gacan dhaafaan wakiilladda degaannadooda iyo beelahoodaba labada gole ugu jira.

Waxay dhinac roorayaan isla markaana si gaar ah sharciyadda uga qaadayaan mu,asasada aqalka sare oo ah iyadu tan sida qaanuunka ah u matasha dowlad goboleeyada oo isla madaxdan DG ay soo xuleen shalay, waxay tahay in la xuso in aanay jirin dastuurka cid matasha ummadda Soomaaliyeed oo aan ahayn mu,asaasdka guud ee la wada samaystay, dowlad goboleedyadu waxay matalaan kaliya inta ay tahay xuduudkooda degaan iyo kooda qaanuun si maxalli ah iyo raadayn ku leh.

Fadhigu marna kama doodin iyagu gabood fallada iyo ku xadgudubyada ay ku samaynayaan dawladda federaalka ah oo ay ka mid tahay heshiisyada caalamiga ah, ciidamada shisheeye, socdaalada ka dhanka ah dawaldda federalka ah, maraakiibta jariifka ee dalka ay soo gashadaan IWM. Sidoo kale kamay doodin baahinta maamuladooda waliba kuwa magaalo ama laba kaliya xukuma ma aysan soo jeedin wax talo ah oo ay Maayarrada magaalooyinka ay jogaan culayska uga yareeyaan.

Warqadini waxayaad u baadigoobaysaa galdaloolada iyo gabaabsiga dawlada federaalka ah ee dadweynaha Soomalidu horau u ogaa iyadoo aan marnaba eegayn kaalinka ay ku leeyihiin habaca iyo waydowga qaranka Soomaaliyeed ee kaliya waxay raadinayaan boogaha guud si ay u dhimiyaan.

Dhismaha golahani waxa dad badani aamineen in uu u eg yahay xilliga iyo xaallada lagu beegay golihii hogaamiye kooxyada Soomalida, kama marnaan karo inuu yahay gole lagu xalaalyesanayo ka fakashada dawladda faderalka ee la wada yahay lana rabo in lagu banaysto socdaalada qaraabashada ee madaxda qaarkood horay u sheegeen, isla markaana in golahaan sida uu ku dhismay ee aan dabiiciga ahayni waa dhinac roor dawladda federaalka ah, taas oo keeni doonta khilaafad joogto ah, is barbar yaac, dib u noqosho hor leh,
Shirkan waxa laga filayay in khilaafkii ka aloosmay Galmudug in uu daawo u noqdo laakiin waxay ka dhigteen fursad ay kor ugu qaadaan saqafka doonitaan kooda waxay na sharciyad ugu samynayeen Madaxweyne xaaf, taas oo marka hore u muuqadat inay dhinacyadii Galmudug mid la safteen waa tan labaade u jeeddada fogi ay tahay maalinba kii shacabkiisa ama baarlamaankiisu tuuro inay noqdaan meel sharciyad u samaysa oo laga soo taageero.

Ma jirin wax cudurdaar ah oo ay u helayaan jaritaanka xiriirka DF haddiiba mid ka mida xubnaha kale ee Dawlad Goboleedyada mugdi dhex yimid, mana aysan samayn isku day lagu dawaynayo mad-madawgaas laakiin waxay u isticmaaleen dan kale oo ka fog iyo fariimo ina dhaafsiisan oo ay u dirayeen qolyo ardaaga banaankiisa ka soo qoordiinleeynaya.

Go,aanada masiiriga ah , waa sax waana in laga wada tashadaa, waxay kaaloo aad ugu saxan yihiin in dastuurka la dhaamaystiro hase ahaatee meesha kuma ay darin eedda inay le,ekaysiiyaan 8 bilood in xukuumaadu jirto,
Waraaqdan iyo shirkaaniba waxay wiiqayaan soo kabashadii, isu soo dhawaashihii dhinacyada Soomaalida, waxayna dhiirigalinaysaa dhinacyada Soomaalida arrinteeda xagal daacinaya, waxaa shirkani suuq gaynayaa in aysan soomaali cid wax ka go,aan aysan jirin, isla markaasna aysan jirin hanaan ama qaab go,aanno loo qaadan karo.

Arrimaha doorashooyinka waxaa la yaableh in madaxda DG oo qaarkood sida Puntaland ay muddo 5 sano ku sii dhaw laga sugayay waxa ay DF ku eedaynayaan ee one man one vote iyo hanaaka dorashada iyo road map ka in isla iyagiii ay arintii looga aamusnaa ay soo fagaan, waxaan ognahay Allaha u naxariistee gudoomiyihii guddigaasi in uu is casilay, ilaa iminkana wax shaqo ahi aysan socon.

Waraaqdani waxay ku gabagabaysay xikmadeeda in ciidamada soomalaiyed la tayeeyo lkn intaas kuma ekaane Waxa ummadda Soomaaliyeed aad uga xumaatay in waraaqdani ay si farsamaysan haddana cad ugu yeeranayso Ciidamo shisheeye dalka in la keeno taasoo u muuqata inay u socdaan dhan gudubsan dhanka Soomaalidu u socoto.

 

WQ: Nabadoon C/salaam