MAALIADA
BOSAASO,(SAHALNEWS)-Wasiirka Maaliyada Puntland C/laahi Carshe maamulka gobolka bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa maanta dab qabadsiiyay lacag faaliso ah oo ku jirtay bangiga dhexe ee dawlada puntland.

lacagta la gubay ayaa tira ahaan dhamayd lix boqol oo malyan iyo shan boqol oo shilinka somaliga ah, wasaarada maaliyada puntland ayaa mudooyinkii ugu danbaysay ku jirtay dadaalo lagu xalinayo sicir bararka iyo soo afjarka lacagaha faalisada ah iyo mida ka timaada gobolada kale ee dalka.

Wasiirka oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in cidii lagu qabto lacag faalso ah laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa , xilli dhaqaalaha Puntland oo uu ahaa mid sii liicaya iyada oo lacagaha laga soo galinayo koonfurtana ay ahaayeen kuwa xad dhaaf ah.

SAHALNEWS