MUQDISHO(SHL-NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Munaasabad lagu Xuska Calanka Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdidsho ayaa ku soo hadal qaaday Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka ka jirta iyo sidii looga gudbi lahaa Daruufaha ku xeeran Dalka.

Xasan Cali Kheyrre oo Qudbada uu jeediyay  u muuqatay mid Jawaab u ah Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ku shiray Kismaayo ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin Dhaliilaha lagu duminayo Dowladnimada kuwa laga leeyahay Ujeedooyinka Gaarka ah.

Dhanka kale Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in haddii Shacabka Soomaaliyeed ay Markii hore ogaayeen in markii Buuq Siyaasadeed dhaco ay Niyad Jabaan Madaxda Dowladda,aysan Madaxda hadda joogta aheyn ku waas, oo aysan niyad jabayn.

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM