JOWHAR,(SAHALNEWS)-Golaha wasiirada Hirshabelle ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ku taageeray go’aankii uu barlamaanku xilka kaga tuuray Madaxweyne Ali Abdullahi Osoble oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir gudoominyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudle Aw-Xuseen ayaa lagu sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada madaxtinimada ee maamulka Hirshabelle.

SAHALNEWS