MUQDISHO(SHL-NEWS)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahiyay qaabka loo qeybin doono shaqooyinka 1000ka dhalinyaro loogu talagalay ee uu balan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in shaqooyinka lagu qeyb san doono hab degmo ahaan oo degmo waliba dhalinyaradu laga soo xuli doono ee la gobolka laga shaqalaysiinayo.

Arintaan ah mid shaqo abuur loogu sameenayo dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay inay shaqalaysiinaya 1000 dhalinyaro oo reer Muqdisho ah si loodhiso niyada dhalinyaro badan o shaqa la’aani ay caasimada ku haysato.

SAHALNEWS.COM