CAABUD-WAAQ(SHL-NEWS)-Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ka yimid degaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud,kuwaas oo marayay halka laga soo galo degmada Caabud-waaq.

Dadka la laayay ayaa la sheegay in ay ahaayeen, arday wax ka baran jirtay iskuul ku yaalla Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud, iyagoona deegaankaas u tgay Qaraabo Salaam.

Raga weerarka qaaday oo la aaminsan yahay in ay ahaayeen Maleeshiyo beeleed, ayaa dilay darawalkii waday gaariga oo lagu magacaabo Salaad C/qaadir waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 kale oo gaariga saarnaa.

Arintaan ayaa la xariirta dil la sheegay in Bartamihii bishii hore nin ganacsade ah loogu geestay degmada Caabudwaaq, waxana hada socda baaritaano arintaasi ku saabsan.

Dhanka kale Faarax Bootaan Shaacuur oo ka mid ah waxgaradka degaanka Dhabad oo la hadlay Idaacada Codka Nabada Ee Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in dadkaasi ay weerareen Maleeshiyo Beeleed.

 

DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM