MUQDISHO(SHL-NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Xafladan ayaa waxaa Sidoo kale ka soo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, dhalinyaro iyo martisharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si loo dhiso dalka loo baahan yahay in meel laga bilaabo, isgaoo shaaciyay in dhalinyarada shaqo abuur loo sameynayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho inuu shaqaaleysiiyo illaa 1,000 dhalinyaro.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Dalkan uu Mustaqbal leeyahay oo dhalinyaraduna ay yihiin milkiilayaasha dalka bacdamaa ay 75% bulshada Soomaaliyeed ay yihiin Dhalinyaro. Dhalinyaradana laga rabi inay dariiqa saxda ah bulshada ku hoggaamiyaan.

Mudane Khayre ayaa tilmaamay in waxa yar ee la haysto ay u maamuli doonto dawladdu si cadaalad ah, qof kasta oo shaqo soo dalbadana lagu xulandoon kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.
DHAGEYSO.

SAHALNEWS.COM