MUQDISHO,(SAHALNEWS)-Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu shaqaleysiin doono kun dhalinyaro Soomaaliyeed.

Mudane Khayre ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay xuska dhalinyarada adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal badan ku bixin doonto shaqaalleysiinta dhallinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.Dhinaca kale  dowlad-gobolleedyadda, waxaa iyagana lagu amri doonaa in ay shaqaalleysiiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed”, ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay aadk ugu baahsan tahay heerka shaqo la’aanta 60% dhalinyarada ma heystan shaqooyinkii ay ahayd in loo abuuro.

Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in 14% dhalinyarada Soomaaliyeed ah imminka heystan shaqooyin iyaga gaar u ah.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday iney shaqo abuur u sameyn doonto dhalinyarada.

SAHALNEWS