GAROWE,(SAHALNEWS)-Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin.

Qaar kamid ah suxifiyiinta iyo ururkooda MAP ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda in Suxufi Cumar Dheere iska xiran yahay taas oo ah mid ka hor imaaneysa xuquuqda dastuuriga ah ee uu lee yahay.

SAHALNEWS