MOMBASA,(SAHALNEWS-Dibax baxyo rabshado wata iyo qalalaaso ayaa laga soo sheegaya iney ka dhacen magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta,halkasi oo ay ku xoogan yihiin qolyaha mucaaradka.

Rasaas ayaa xalay saqdii dhexe laga maqlayay bartamaha magaalada iyada oo ay booliskuna rasaas nool nool ay ku riden dibad baxayaasha,sida goob joogayal ay sheegen.

Ugu yaraan afar ruux ayaa la toogtay kadib markii tayaaro lagu dhex gubay wadooyinka magaaladasi.

Xisbiga mucaaradka Kenya ee ANC ayaa aad uga soo horjeystay natiijada doorashda oo ayba diidanayen ka hor inta aan lagu dhawaaqin.

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari hal maalin ka hor waxa la gubay suuqa weyn ee Suuq Mugdi,halkasi oo lagu waayay malaayiin dollar.

SAHALNEWS