GAROOWE(SHL-NEWS)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Guddiga Dhismaha Madaarka Garoowe lacag gaaraysa $2.5 Malyan oo Dollar, taas oo ku aadan arrimaha ku saabsan dhismaha madaarka.

Madaxweynaha ayaa kahadlay lacagtii Airporka Garoowe loogu talo-galay halka ay martay, isagoo cadeeyey in Amiirka Kuwait uusan wali amrin lacagtaas, isagoo sheegay in aysan sugi doonin Amiiro Carbeed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in $5 Malyan oo Dollar u baahan yahay madaarka Garoowe, ayna waajib tahay in ay Shacabku Puntland isku tashadaan, ayna dawladdu bixisey lacag gaaraysa 2.5 Malyan oo dollar.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

SAHALNEWS.COM