BUUHOODLE,(SAHALNEWS)-Maleeshiyad hubeysan ayaa lagu soo waramaya iney is hor istaagen wafdi magaalada Buuhodle ee maamulka Khaatumo u soo galbin laha madaxweyne Cali Khaliif Galaydh oo beryahan ku sugnaa magaalada Hargeysa,halkasi oo uu heshiis kula soo saxiixday maamulka madaxweyne Siilanyo.

Xiisad xoogan ayaa saakay laga soo sheegaya iney ka taagan magaalada Buuhodle kadib markii koox maleeshiyo ah oo hubeysan ay isku uruursaden deegaanka Soojeede ee duleedka magaaladasi.

Kooxdan ayaa ka gadoodan go’aanka uu madaxweyne Galaydh heshiiska kula soo saxiixday maamulka Somaliland kadib wada hadal muddo kooban dhexmaray labada dhinac.

SAHALNEWS