GAALKACYO(SHL-NEWS)- Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay wada hadallo u socdaan maamulkiisa & Ahlu Suna Waljameeca, kuwaas oo ku jiheysan xaaladda Israaca labada dhinac oo ay ugu horeyso nabadgalyadda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey howlaha Nabadeyntan, wuxuuna sheegay in ay ku guuleysan doonaan in ay Ahlu Suna ka mid dhigaan wasiiradda cusub ee uu magacaabi doono.

Mr, Xaaf oo dhawaan la caleema saaray ayaa kusugnaa magaalada Gaalkacyo, si uu xal uga gaaro xiisadaha soo lab-laabta ee magaaladaas, balse ma muuqato natiijo rasmi ah oo ay dhinacyadu ilaa hadda gaareen ka sokow is afgarad labada dhinac ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa horyaala arrimo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, gaar ahaana sidii uu nabad ugu nolaan lahaayeen deriskooda oo ah kuwa ugu muhiimsan ee balan-qaadyadii uu jeediyey.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO