GAROOWE(SHL-NEWS)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hadda kaqeybgalaya munaasabad Malaayiin Dollar lagu taageerayo Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaana Garoonka Garoowe iyo Wadada isku xirta Ceerigaabo & Ceel Daahir oo dhismaheedu socdo.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doono madashan, waxaana lacagta uu ku deeqayaa ay gaari doontaa in ka badan 2 Malyan & Bar Dollar, taas oo qeyb ka ah taageero ay dawladdu kaabayaashan dhaqaalaha ku dhiseyso.

Wasiiro kamid ah Xukuumadda ayaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Puntland ayaana jeedin doona khudbad gaar ah oo ay uga hadlayaan arrimaha kaabayaashan dhaqaalaha ee dalka.

SAHALNEWS.COM