MUQDISHO(SHL-NEWS)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday in Dowladda Norway ay Aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan Baasaboorka Diblomaasiga ah ee ay qaataan Madaxda Dowladda iyo Siyaasiinta.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dhawaan Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi uu tagay Dalka Norway islamarkaana uu Heshiis is Af-garad ah la soo saxiid Dhigiisa Dalka Norway.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Socdaalka Norway ayaa lagu sheegay in Dowladda Norway ay Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya oo ah Baasaborka ay ku Safraan Madaxda Dowladda iyo Siyaasiinta intaba.

Talaabadaan ayaa ah mid Rajo weyn gelineysa Shacabka Soomaaliyeed,maadaama Dalka Norway oo ka mida Dalalka Hormaray ee ka tirsan Wadamada Yurub ay Aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya gaar ahaan Diblomaasiga.

SAHALNEWS.COM