GAROWE,(SAHALNEWS)-Xildhibaan Cabdiraxman Farole ayaa dhaliilay habka uu Garowe uga wado arrimha Dastuurka , Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalku.

Dr Farole ayaa cadeeyey inaysan shaqadiisa ahayn Wasiir Xoosh Jabriil arrinta shirka loogu magacdaray olalaha dib u eegista arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweynihii hore ee Puntland in labada aqal ee baarlamaanka ay tahay shaqadoodii.

Dhan kale Farole ayaa aflagaado ku tilmaamay hadal uu sheegay inuu yiri Xoosh Jabriil kaso ahaa inuu yiri wixii lagu saxiixay Nairobi 2012 inuusan ahayn Dastuurka Soomaaliya.

Waxaana xilligaas saxiixay sadexdii masuul ee ugu saraysay dowladda federaalka , Puntland ,Gal-mudug iyo Ahlusunna.

Cabdiraxman Farole ayaa sheegay in aflagaadada Cabdiraxmaan Xoosh tilmaamay inaysan ka harayn sharcina la tiigsan doonaan.

Farole oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay arrimaha Garowe Xoosh Jabriil kawado inay yihiin waxba kama jiraan, wuxuuna fariin udiray madaxda Dowladda federaalka inay soo magacaaban guddigii Farsamada dastuurka.

SAHALNEWS