MUQDISHO,(SAHALNEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kormeeray degmooyinka Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, iyo degmadda Cabdalcasiis.

Mudane Kheyre, ayaa warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray, waxaana dhinaca kale uu u kuurgalayay sida ay u socdaan howlgallada xasilinta amniga caasimada.

SAHALNEWS